|
Afhayeenka Taliska Ciidamada ee Mujaahidiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab, ayaa Shir Jaraa’id oo Warbaahinta uu u qabtay waxa uu kaga war bixiyay Camaliyadii Istishhaadiga ahaa ee Saaka ka dhacday magaalada Beledweyne.
Sheekh Abu Muscab waxaa uu sheegay in Weerarkaasi oo uu fuliyay Mujaahid ka tirsanaa Guutada Istishhaadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uu geystay Khasaare baaxad leh oo soo gaaray Ciidamada Nasaarada Itoobiya.
“Sidda la wadda ogyahay Saakay aroortii Walaal ka tirsan Katiibada Istishhaadiyiita ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada Itoobiyaanka ay ku lahaayeen gudaha magaalada Beledweyne, waxaana ku dhintay 33 Askari oo Xabashi ah” ayuu yiri Sheekh Abu Muscab.
Dhinaca kale Waxa uu Afhayeenku Wacad ku maray in Mujaahidiinta ay sii labo jibaari doonaan howlgallada noocaan oo kale ah ee ay ku naafeynayaan Ciidamada Xabashida ee duullaanka kusoo qaaday Walaayada Islaamiga ah ee Hiiraan.
Waxaa tafaasiil dheeraad ah ay kasoo baxeysaa Weerar Istishaadi ah oo Saaka aroortii ka dhacay magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lala beegsaday Xarunta Gobolka ee magaalada Beledweyne oo Saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada Itoobiyaanka ee dhawaan lala wareegay magaalada Beledweyne.
Wariye ku sugan magaalada Beledweyne oo goordhow la hadlay Amiir Nuur Media waxa uu sheegay in Xaalad kacsnaan ah ay ka taagan tahay gudaha magaalada Baladweyne, isla markaana Ciidamada Itoobiyaanka ay gebi ahaanba xanibeen isku socodkii iyo dhaq dhaqaaqii ka jiray gudaha magaalada.
Wariyuhu waxa uu noo sheegay in goordhow Garoonka dayaaradaha ee magaalada Beledweyne ay kasoo dageen Labo dayaaradood oo nooca Helicopterka ah si ay u daadgureeyaan Meydadka iyo dhaawacyada Askarta Itoobiyaanka ee ku halaagsamey weerarkii Istishhaadiga ee Saakay dhacay.
Sidoo kale waxay Wararku sheegayaan in Xarunta Gobolka ee magaalada Beledweyne ay goordhow ka baxeen Gawaari Uuraal ah oo Itoobiyaanku leeyihiin, si Garoonka ay u geeyaan dhaawacyada iyo Meydadka Askartii ku waxyeeloobay qar
|
|
Somalia24 Shabaab Oo sheegay