|
Ciidamada dhimashada iyo dhaawaca ka naqday huwanta kusoo duushay magaalada Muqdisho ayaa saacadihii lasoo dhaafay sii batay taasi oo ka dhigan in khasaaraha cadawga gaaray uu aad u badan yahay.
Isbitaalka Xalane ee saldhigga u ah ciidamada AMISOM waxaa lageeyay in kabadan 34 Askari oo dagaalkii shalay ku dhaawacmay halka dhaawacyada qaar loo duuliyay dalka Kenya.
Diyuurad nuuca dagaalka ah ayaa lasoo sheegay in ay kasoo degtay garoonka Muqdisho waxayna qaaday 12 Askari oo dhaawacyadoodu aad u liiteen.
Dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay wadada Jaamacadaha ayaa la rumeysan yahay in khasaaraha ugu daran uu soo gaarsiiyay cadawga shisheeye ee soo duulay, ilo wareedyo waxay xaqiijinayaan in dhaawacyada qaar la dhigay isbitaalka Shifo oo dhawaan qeyb gaar ah looga furay ciidamada shisheeye.
Wariyayaal Yugaandhiis ah ayaa sawirro qarsoodi ah kasoo qaaday dhaawacyada ciidankooda ka dibna waxay ka gateen wakaaladaha Wararka reer galbeedka
Dagaalkii shalay ayaa jug culus lagu gaarsiiyay cadawga shisheeye, saraakiisha gaalada ayaa yiri “Shabaab waa u dhamaatay fariisinkii ugu dambeeyay waan ka qabsanay”!!.
Dhanka kale Sheekh Abu Muscab oo ka war bixiyay dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho
Taliska Melliteriga Xarkada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab oo Warbaahinta Islaamiga ah la hadlay ayaa ka war bixiyay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqisho.
Sheekh Abu Muscab waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu qarxay Waabarigii hore ee maalintii Jimcihii ee shalay ka dib markii Ciidamada Gaalada Afrikaanta ah iyo Maleeshiyaadka la socda ay kusoo dhaqaaqeen affar waddo oo Jidka Warshadaha kaga beegan dhinaca Waqooyi bari.
“ Cadowga waxay kusoo baxeen Affar Waddo, Seddex ka mid ah waa lagu jebiyay oo dib ayaa loo celiyay, wadada kalena Mujaahidiinta iyagaa ugu talo galay in Cadowgu horey ugu soo baxo, waxayna soo gaareen Jaamacaddii Muqdisho illaa Qubuurihii Barakaat, markii dhulkaasi howdka ah ay soo gaareen ayay Mujaahidiintu dhinac walba xabad kaga billaabeen” ayuu yiri Sheekh Abu Muscab.
Sidoo kale Sheekh Abu Muscab waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu Khasaare lixaad leh kasoo gaaray Cadowga, Sheekha oo tibaaxay in Mujaahidiintu ay indhaha saareen 14 Meyd oo Ciidamada Gaalada Uganda ka tirsan, sidoo kalena laga gubay labo gaari oo Taw ah.
AmiirNuur Media & SOM24
|
|
Somalia24 Al-Shabaab Oo sheegay