Africa

June 1, 2009 – 7:57 pm

Asmara ” Itoobiya wey-gashay Soomaaliya, waxayna hadda.

calnka-eritrea



Asmara ” Itoobiya wey-gashay Soomaaliya, waxayna hadda ka joogtaa meelo badan, sida Baladweyn iyo Galgaduud” War ka soo baxay Dowladda  Eritreeya.(CelebrityZap)


By Somalia24 Associated Press Writer

Asmara ” Itoobiya wey-gashay Soomaaliya, waxayna hadda.

calnka-eritrea1

War murtiyeed ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Dalka Eritreeya,  ayaa lugu sheegay in ay Ciidamada Dowladda Itoobiya, saacadihii ugu dambeeyey galeen gudaha dalka Soomaaliya, waxaana bayaanka lugu qeexay goobo toos ah oo lasheegay in ay soo galeen ciidamada dowladda Itoobiya.

Asmara ayaa sheegtay in ay guutooyin ka socda ciidamada dowladda Itoobiya ay hadda gaareen oo maanta la geeyey magaalada Baladweyn duleedkeeda koonfureed, isla markaasna ay la socdeen Ciidamo Soomaali ah oo loo tababaray Dowladda faderaalka ee Soomaaliya.

Xukuumada Asmara ayaa sidoo kale sheegtay in ay Ciidamada Itoobiya qorshanayaan in ay galaan gudaha gobalada Bakool iyo Gedo, ayagoo ay waheliyaan Ciidamo Soomaali ah oo horay looga qabsaday deegaanadaasi, waxaa ay sheegtay in ay muhiim tahay in ay “dadka Soomaaliyeed difaacdaan dhulkooda Soomaaliyeed”.

Asmara waxa ay sheegtay in duulaan lugu yahay nabad galyada ka jirta gobalada Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Shabeelada Dhexe & Gedo oo ay sheegtay in ay hadda ka hana qaadeen dadaalo badan oo nabdeed, ayagoo sidoo kale shaacisay in looga dhaqmo Shareecada Islaamka.

Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalka eritreeya,  ayaa beenisay in ay todobaadkan saanad Ciidan geysay gudaha dalka Soomaaliya, si ay ugu kaalmeyso mucaaradka  hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda faderaalka ee Soomaaliya, waxa ayna sheegtay in aysan aqoonsaneyn dowlad ka dhalatay dalka Soomaaliya, ayadoo tibaaxday in ay dowladda hada jirtaa tahay mid ay soo abaabushay dowladda Mareykanka oo doonaysa in ay danaheeda ku fushato.

War murtiyeedkani maaha mid dhamaystiran Xukuumadda Asmara, oo dafirtay Maamulada Islaamiga ka dhisan gobolada kala ah Bay & Bakool iyo Sh/Hoose, kuna dhaqma Shareeca Islaamka, oo dadka degaankana ku diirsadayn Maamulka Islaamiga ah.

Arrinta Soomaaliya, eyadoo sideeda Isaga cakiran, ayaa hadana waxaa ugu sii darsaday Faragelin Shisheeye oo mudo dheer lagu wado, hanoqdaan Dowladaha Deriska ah kuwa Yar yar iyo kuwa Waawaynba.
Sidaa darteed waxaan ugu baaqeyna Dowladahaas iyo Hey’adahaas oo dhan inay Farahooda kala baxaan Soomaaliya, si Soomaalida eyagu Danahooda u Aqoonshaan.

Haddaba u gudub warka ku xiga waxaadna ugu gudbi karaysaa Adigoo Adeegsanaaya habkani Fadlan Riix ama Guji: Tags: ka hoose oo ku qoran Previous  Entries

Tags: ,

Post a Comment