Africa

November 2, 2009 – 8:30 pm

Hooyo Cadar Maxamed Yuusuf

By Somalia24 Associated Press Writer

Hooyo Cadar Maxamed Yuusuf ayaa maantey saxaafada usoo bandhigtey sawirada wiil ay dhashey oo mudo 4 sano iyo bar ay la eed loo soo sheegay in wiilkeda ku xiran yahay xabsiga guantanamo bay hooyo cadar maxamed yuusuf waxaay inoo sheegtay in wiilkeed la Qafaashey sanadkii 2004 waxaayna sheegtey in wiilkeda lagu magacaabi jirey Sheekh Guuled Xasan Duraan waxaayna noogu war danbeysay sanadkii 2004 bishii feb, waxaan meel u dhow isgooska hool wadaag ka kaxeestey maleeshiyaad kii Hogamiye koxeedyadii xiligaas ku sugnaa magaalada muqdisho waxaan wiilkeyga laga dhoofiyay mid kamid ah goroomada diyaaradaha magalada muqdisho oo ay gacanta ku hayeen Hogamiyashi xiligaasi mamuliyay lana magacbaxay ladagaalanka Argagixisada. ….(Celebrityzap.net)            

picture-340
Hooyo Soomaaliyed oo Wiil ay dhashay Mudo Affar sano ka dib loo sheegay in Wiilkeeda uu ku xiranyahay xabsiga Guantanamo bay Daawo Sawarada Hooyada iyo Wiilka Xiran. Fame it!

by Canab Cabdi Axmed

picture-3532

Hooyo Cadar Maxamed Yuusuf ayaa maantey saxaafada usoo bandhigtey sawirada wiil ay dhashey oo mudo 4 sano iyo bar ay la eed loo soo sheegay in wiilkeda ku xiran yahay xabsiga guantanamo bay hooyo cadar maxamed yuusuf waxaay inoo sheegtay in wiilkeed la Qafaashey sanadkii 2004 waxaayna sheegtey in wiilkeda lagu magacaabi jirey Sheekh Guuled Xasan Duraan waxaayna noogu war danbeysay sanadkii 2004 bishii feb, waxaan meel u dhow isgooska hool wadaag ka kaxeestey maleeshiyaad kii Hoggamiye Beelaadkii xiligaas ku sugnaa magaalada Muqdisho waxaan Wiilkeyga laga dhoofiyay mid ka mid ah goroomada diyaaradaha magalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayeen Hogamiyashii xiligaasi maamuliyay lana magac baxay la dagaalanka Argagixisada.

 

 

picture-3501
Hooyo Cadar Maxamed Yuusuf intey inoo warameysay si weyn ayay ilimada uga Qubaneysay waxaay noo sheegtay in wiilkeeda uu dhaley shan Caruur ah kuwaaso kala ah 3 Gabdho ah iyo 2 Wiil intii uu xiranaa Caruurtiisa mid ka mid ahna ay geeriyoday Hooyo Cadar maxamed inta ay wareysiga bixineysay waxaan dareemayney Aniga iyo wariyaashii ku booqday hoyga ay ka dagan tahay magaalada Nairobi Murugo iyo Tiiraanyo ay qabtey waxayna aadoga warbixisay sidda Wiilkeeda uusan wax siyaasad ah oga qayb qaadan isla markaana ahaaNnin Diintiisa jecel iyo Dalkiisa una ushaqayn jiray Caruurtiisa oo maanta meel cidlaa daadsan si gardaraana loo xiray oo in mudaa aan u haysanay in la dilay ayay tiri Maamo Cadar Maxamed Yuusuf. waxeyna ka codsatey cida heesta wilkeeda in ay soo cadeyaan sababaha ay wiilkeeda ku heestan iyo in cadaalada la horkeeno waxeyna Illaahey weydisaneysay in Wiilkeeda uu gacanta cadowga haysto uu ka soo samata bixiyo picture-3492
Hooyo Cadar Maxamed Yuusuf waa Hooyo Soomaaliyed oo ku sugan magaalada Nairobi kana soo baxsatey dagaaladii ugu culusaa ee abad ka dhaca caasimada Soomaaliya ka dib marki ay Ciidamada Itoobiya Dalka Soomaaliya xoog ku qayteyn waxeyna imika ku nooshahay magalada Nairobi ee dalka kenya waxeyna kula Nooshahay Caruurta Wiilkeeda xiran uu dhaley iyo Qaar ka mid ah Caruurta ay iyada dhashey. picture-3563
Maamo Cadar ayaa Baaq u jeedinayso Hay’adaha Bisha Cas iyo kuwa ICRC da iyo kuwa u dooda Xuquuqul Insaanka in ay Wiilkeeda ku soo sheegan wax lagu heesto iyo wixii ay ka qaban karaana Midaas oo ay ku micnaysay in hadalka iyo sawirada laga soo qaaday Wiilkeeda in mudaa la eed ay ka heshay nin ka mid ah Haayada ICRC oo ku booqday Xabsiga Guanatamo Bay picture-3392

Ururkii lamagac baxay Argagixisa la dirirka ( Ashahaado la Dirirka ) oo ay Madaxda u ahaayeen Hoggaamiye Beeleedkii  Koonfurta Soomaaliya ka dagaalami jiray ayaa boqolaal dad ah u gacan galiyay maraykanka iyadoo qaarna la dilaya Qaarna ku xiran yihiin xabsiga wayn ee Guanatamo Bay, qaarna ku xiran yihiin xabsiga Hargeysa, ka dib markii Muqdisho laga soo qafaashay  Ummadda Muslimiinta ah laguna xiray xabsi ku dhex taalo Xerada Ciidanka Mareykanka ay ku leedahay dalka Jabuuti, dhibaatooyin baahsana loo gaystay ayaa gacanta loo geliyay Xukuumada Hargeysa ayna wali ku xiran yihiin xabsiga Hargeysa wax xaquuq ahna aysan leheen. 

 

 

picture-3401

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Mareykanka Brack Xuseen Obama ayaa xiligii uu doorashada uu ku jiray balanqaaday haddii uu ku guulaysto xilka Madaxweynimo ee dalkaas uu albaaba ulaabi doono xabsiga wayn ee Mareykanka Guanatanamo Bay isla markaan uu ka soo furi doono dhamaan dadka ku xirxiran ee Islaamka ah in kastoo ay si aayar ah u socdaan siddii laga yeeli lahaa Ummadda Muslimiinta ah ku xiran xabsiga.

 

 


   
Hooyo Soomaaliyed oo Wiil ay dhashay Mudo Affar sano
ka dib loo sheegay in Wiilkeeda uu ku xiranyahay xabsiga Guantanamo Bay Daawo sawarada Hooyada iyo Wiilka Xiran.

Rayigaaga Halkaan Ka Dhiibo Fadlan »

   

Post Your Comment »

 

 

 

 

Tags:

  1. One Response to “Africa”

  2. Kuwii shalay iibsaday miskiinkaas ilaahey keliya caabbudayey ee ilmihiisa u xamaalanayey waa kuwaa haddaba Villa somaaliya khamaarka ku ciyaaraya, ee madaafiicda ku garaaca yiraa ugaandheyska iyo xaaranta la socota, waa kuwo aan dad iyo dad iyo diin iyo dunida oo dhan midna dan ka lahayn, waa kuwo ilaahey dhegaha iyo indhuhu inay wixii wanaag ah arkaan ka xiray, waa kuwo meesha ay fadhiyaan geerida baqtigooda ku sugta, mana iska imaan iyagu ee waa dembigii soomaalida qabiilka iyo qurunku diloolay, oo iyagoo haddeer xauuqaya ayey u duceeyaan inay sii xasuuqaan, kii lugta madfac jaraba halkuu ilaahey ka baryi lahaa iyaguu yiraa allow aysan madaafiicda rasaasteedu ka go’in marka iyagu hayska sii ruugaan khaadka iyo khamrada iyo dhillooyinka ay dul saaranyihiin, caro allay sugaan, soomaaliduna miraheeda ha gurato, waxanna aan tacsi u dirayaa dowladaha deriska oo soomaalida ku wareeray oo iyagu gaalo la yaqaano waye ee soomaalida ayaa wax ay yihiin la aqoon waayey, bal iskaba daa kuwaas caadaqataayaasha ah ee mandheerta naagtii umushaba hoos fadhiyee yaa islaama oo alshabaab waxa ay rabaan ii sheega, iyagoo mooryaan ugaandheys ah oo weliba faro ku tirisa taag iyo tabar u la’ ayey dwlado waaweyn ayaan weerareynaa ku jiraane ma waalanyihiin mise waa cadow ka sii badan maatidan ugu yeera bay qabaan ?

    By Ali on Nov 3, 2009

Post a Comment