Africa

November 2, 2009 – 4:03 pm

Hooyo Soomaaliyed Oo 4 Sano ka dib loo Sheegayguantanamo3

Somalia24 Hooyo Soomaaliyed Oo 4 Sano ka dib loo Sheegay in Wiilkeeda uu ku Xiran yahay Guantanamo.(CelebrityZap)




By Somalia24 Associated Press Writer

Hooyo Soomaaliyed Oo 4 Sano ka dib loo Sheegay

guantanamo31

Hooyo Cadar Maxamed Yuusuf  ayaa maantey Saxaafada usoo bandhigtey sawirada Wiil ay dhashey oo mudo 4 sano iyo bar ay  la’eed loo soo sheegay in Wiilkeeda ku xiran yahay  Xabsiga Noloshiisa laga Dayriyay ee Guantanamo Bay.

Hooyo Cadar Maxamed Yuusuf waxaay inoo sheegtay in Wiilkeed la Qafaashey sanadkii 2004 waxaayna sheegtey in Wiilkeeda lagu magacaabi jirey Sheekh Guuled Xasan Duraan waxaayna noogu war danbeysay sanadkii 2004 bishii feb, waxaan meel u dhow Isgooska Hoolwadaag ka kaxeestey Maleeshiyaad kii Hoggamiye Beeleedkii  xiligaas ku sugnaa magaalada Muqdisho waxaan Wiilkeyga laga dhoofiyay mid ka mid ah goroomada diyaaradaha magalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayeen Hoggamiyashi xiligaasi mamuliyay lana magacbaxay la dagaalanka Argagixisada.

Hooyo Cadar Maxamed Yuusuf  intey inoo warameysay si weyn ayay ilimada uga Qubaneysay waxay noo sheegtay in Wiilkeeda uu dhaley  Shan Caruur ah kuwaaso kala ah 3 Gabdho ah iyo 2 Wiil intii uu xiranaa Caruurtiisa mid ka mid ahna ay geryoday Hooyo Cadar Maxamed inta ay wareysiga bixineysay waxaan dareemayney Aniga iyo Wariyaashii ku booqday hoyga ay ka dagan tahay magaalada Nairobi Murugo iyo Tiiraanyo ay qabtey.

Waxayna aad uga warbixisay sidda Wiilkeeda uusan wax Siyaasad ah oga qayb qaadan isla markaana ahaa Nin Diintiisa jecel iyo Dalkiisa una u shaqayn jiray Caruurtiisa oo maanta meel cidlaa daadsan si gardaraana loo xiray oo in mudaa aan u haysanay in la dilay ayay tiri Maamo Cadar Maxamed Yuusuf. waxeyna ka codsatey cidda heesta Wiilkeeda in ay soo cadeyaan sababaha ay Wiilkeeda ku heestan iyo in cadaalada la horkeeno waxeyna Illaahey weydisaneysay in Wiilkeeda uu gacanta cadowga haysto uu ka soo samata bixiyo

Hooyo Cadar Maxamed Yuusuf  waa Hooyo Soomaaliyed oo ku sugan magaalada Nairobi kana soo baxsatey dagaaladii ugu culusaa ee abad ka dhaca caasimada Soomaaliya ka dib markii ay qabteyn  Ciidamada Itoobiya dalka Soomaaliya, waxeyna imika ku nooshahay magalada Nairobi ee dalka Kenya waxeyna kula Nooshahay Caruurta Wiilkeeda xiran uu dhaley iyo Qaar ka mid ah Caruurta ay iyada dhashey.

Maamo Cadar ayaa Baaq u jeedinayso Hay’adaha Bisha Cas iyo kuwa ICRC  iyo kuwa u dooda Xuquuqul Insaanka in ay Wiilkeeda ku soo sheegan wax lagu heesto iyo wixii ay ka qaban karaana Midaas oo ay ku micnaysay in hadalka iyo Sawirada laga soo qaaday Wiilkeeda in mudaa la’eed ay ka heshay Nin ka mid ah  Hay’ada ICRC oo ku booqday Xabsiga Guatanamo Bay.

Ururkii la magac baxay Argagixisa la Dirirka ( Ashahaado la Dirirka ) oo ay Madaxda u ahaayeen Hoggaamiye Beeleedkii Koonfurta Soomaaliya ka dagaalami jiray ayaa boqolaal dad ah u gacan galiyay Mareykanka iyadoo qaarna la dilaya Qaarna ku xiran yihiin xabsiga wayn ee Guanatama Bay, qaarna ku xiran yihiin xabsiga Hargeysa, ka dib markii Muqdisho laga soo qafaashay  Ummadda Muslimiinta ah laguna xiray xabsi ku dhex taalo Xerada Ciidanka Mareykanka ay ku leedahay dalka Jabuuti, dhibaatooyin baahsana loo gaystay ayaa gacanta loo geliyay Xukuumada Hargeysa ayna wali ku xiran yihiin xabsiga Hargeysa wax xaquuq ahna aysan leheen.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Mareykanka Brack Xuseen Obama ayaa xiligii uu doorashada uu ku jiray balanqaaday haddii uu ku guulaysto xilka Madaxweynimo ee dalkaas uu albaaba ulaabi doono xabsiga wayn ee Mareykanka Guanatanamo Bay isla markaan uu ka soo furi doono dhamaan dadka ku xirxiran ee Islaamka ah in kastoo ay si aayar ah u socdaan siddii laga yeeli lahaa Ummadda Muslimiinta ah ku xiran xabsiga.


By: Canab Cabdi Axmed


Haddaba u gudub warka ku xiga waxaadna ugu gudbi karaysaa Adigoo Adeegsanaaya habkani Fadlan Riix ama Guji: Tags: ka hoose oo ku qoran Previous  Entries

Tags:

  1. One Response to “Africa”

  2. Bahda somalia24 waxaan idiinka mahadinaaya inad naga war siisaan wararka caalamka iyo gaar ahaaneed wararka soomaalida iyo dhibaatada ku heysato caalamka aad mar kasta ka hadashan soomaalida xabsiyada caalamka lagu heysto aad u doodaan waxaan tihiin shabakada u dooda xuquuqa soomaalida meel kasto ey joogan

    waxaan kale idiinku mahadinaaya inaad garab taagantihiin mujaahidiinta xaqa ku taagan.

    waxaan idiin rajeynaana qeyr ilaahey idiinkisa.

    By Kulmiye on Nov 2, 2009

Post a Comment