Africa
October 27, 2009 – 4:41 pmGoloha Camalka Islaamiga iyo Garab ka mid ah
Somalia24 Goloha Camalka Islaamiga iyo Garab ka mid ah Odayaasha Hawiye oo ka soo horjeestay wadahadalo ay Liibiya sheegtay in ay ka dhex bilaabayso Soomaalid.(CelebrityZap)
By Somalia24 Associated Press Writer
Goloha Camalka Islaamiga iyo Garab ka mid ah
Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beesha Hawiye garabka Suldaan Axmed Dhoore iyo Golaha Camalka Islaamiga ah ayaa maanta si gooni gooni ah waxaa ay uga hadleen wadahalo dhex dhexaadin ah oo laga dhex bilaabo dowladda iyo xoogagga ka soo horjeeda.
Waxaa ay si wadajir ah u sheegeen in aan lagu kalsoonaan Karin dib u heshiintaasi ay wado dowladda Liibiya oo ay ku doonayso in ay ku dhex dhexaadiso dowladda KMG iyo xoogagga ka soo horjeeda.
Sheekh Max’ed Ibraahim Bilaal oo ah Guddoomiyaha Golaha Camalka Islaamiga ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Liibiya ay mudooyinkii ugu dambeeyay waday sidda uu sheegay howlo ay ugu xaglinayso dowladda Itoobiya, danaha ay ka leedahay Soomaaliya, Asagoo sidoo kalena sheegay in Liibiya ay taageerto Ciidamada Midowga Africa oo uu sheegay in ay xasuuq ba’an u geystaan dadka shacabka ah.
Guddoomiyaha golaha Odayaasha dhaqanka Suldaan Axmed Dhoore oo Asna ka hadlay arinta dowladda Liibiya ee ku aadan dhex dhexaadin la sheegay in ay doonayso in ay ka dhex bilowdo dowladda iyo xoogagga hubaysan ayaa ka qeyb galka wadahadaladaasi waxaa uu ku xiray in ugu horeyn dowladda Liibiya ay dadka Muslimiinta ah ay xabsiyadeeda ka sii deyso dadka ku xiran xabsiyada wadankaasi Liibiya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay guddoomiyahaasi in dowladda Liibiya looga fadhiyo in Maxaabiistaasi ay u aqoonsato dad Qaxooti ah Asagoo hoggaamiyaha dalkaasi Liibiya Al Qadaafi oo hadda hoggaamiye u ah Midowga Africa uu ugu baaqay in Ciidamada AMISOM uu ka bixiyo Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaate arintaan ayaa qaba Waxgaradka, Siyaasiyiinta Iyo Bulshada Soomaaliyed, in waanwaanka dhexdhexaadinta ay dowladda Liibiya, ay shacisay inay hore laftirkooda isu bilaabaan ay xabsiyadooda buux dhaaf ku yihiin mucaaradka Muslimiinta ah iyo Siyaasiyiin badan ahna indhaha Bulshada ee dalka Liibiya.
Si la mid ah xabsiyada dalka Eritreeya oo Muslimiinta dalkaasi aad loo dhibaateeyo wax dalka ka qaxay, wax la dilay, wax loo diiday inay dalkoodii dib ugu laabtaan markay xoreeyen dalkooda ka dib, iyo in badan ay xabsiyada Erirteeya buux dhaaf ku yihiin.
Haddaba u gudub warka ku xiga waxaadna ugu gudbi karaysaa Adigoo Adeegsanaaya habkani Fadlan Riix ama Guji: Tags: ka hoose oo ku qoran Previous Entries
Tags: Goloha Camalka Islaamiga iyo Garab ka mid ah Odayaasha

One Response to “Africa”
sheekh axmed ayaa jeediyey mu xaadarada
By nasra on Oct 28, 2009