Africa

March 10, 2010 – 2:21 pm

By Somalia24 Associated Press Writer

Khasaare ka dhashey dagaalkii Saaka ee Muqdisho10 qof ayaa ku dhimatey 20 meeyo kalena dhaawacyo kale duwan ayaa ka soo gaarey oo u badan Rayid, dagaal iyo duqeyn barbar socotey oo maanta ka dhacey qeybo ka mid ah Degmooyinka Kaaraan & C/casiis. (Celebrityzap.net)                                                   

 

 

ciidanka-cusub-ee-alshabaab27

Al-Shabaab oo khasaaro ba’an gaarsiiyay Maleeshidka Dowladda

 
Fame it!

 

ciidanka-cusub-ee-alshabaab26

Khasaare ka dhashey dagaalkii Saaka ee Muqdisho10 qof ayaa ku dhimatey 20 meeyo kalena dhaawacyo kale duwan ayaa ka soo gaarey oo u badan Rayid, dagaal iyo duqeyn barbar socotey oo maanta ka dhacey qeybo ka mid ah Degmooyinka Kaaraan & C/casiis.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Xoogag ka tirsan Al-Shabaab iyo Maleeshiydka dowladda dabadhilifka ah oo kaashanaya kuwa AMISOM, waxa uuna yimid ka dib markii Al-Shabaab weerareen aroortii hore ee Saaka Fariisimo maleshiyadka dowladda dabadhilifka ah ku sugnaayeen.

Afhaayeenka Al-ShabaAb, Sh Cali Maxamuud Raage oo dagaalkan ka warbixiyey ayaa sheegay iney fariisimo dhowra kala wareegn Maleeshiydka dowladda dabadhilifka ah.

Waxa uu sheegay Afhaayeenku iney ciidamadu gaareen ilaa Hotel Global oo horey maleeshidka Dowladu ugu sugnaayeen.

Khasaare kale duwan ayuu sidoo kale sheegay Sh Cali iney u geysteen maleeshidkii ay weerareen, balse faahfaahino intaa ka dheeraada kama aanu bixin.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Al-Shabaab ayaa Warsidaheena u xaqiijay inuu indhahiisu ku arkay dhowr maleeshiyo ka tirsan Xukuumadda Dabadhilifka ah laga laalay hubna laga soo furtay.

Waxaa uu dagaalkan qeyb ka noqonayaa kuwa soo noqda noqda ee ka dhaca Magaalada Muqdisho ayna ka dhashaan khasaarooyin kale duwan oo Naf iyo Maalba leh.


Somalia24 Al-Shabaab oo khasaaro ba’an gaarsiiyay Maleeshidka Dowladda
 

Ra’yigaagga Halkaan Ka Dhiibo Fadlan »

Post Your Comment »

 


Tags: